Pan-Somali Council For Peace and Democracy
    
   
Save Password  / Forgot your password?
 
 Home >> Articles >> Press Release >> New Releases
Waa in Dalalka Deriska Aysan ka Mid Noqon Ciidamada Nabad-Ilaalinta
By n/a
Rating: 0 Votes: 0 (Rating Scale: 1 = worst, 10 = best)
Email this Article
Printable Version

Article Information
Hits: 237
Added on: February 24 2005
Author: n/a
Posted by: admin
- New articles
- Popular articles
-
Top rated articles
-
Search articles
  
Results: 10  20  30
- Back to Article Categories
- Submit an Article
Columbus � ISRAACA, Ururka Pan-Somali Council for Peace and Democracy (ISRAACA) wuxuu si kulul u canbaaraynayaa go�aankii uu Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Ururka Midowga Afrika ugu oggolaaday dowladaha Soomaaliya ay colaaddu kala dhexeyso inay ciidamo u diraan Soomaaliya.

Waxaan ka soo horjeednaa in ciidamada Itoobiya iyo Kenya loo diro Soomaaliya sababaha soo socda dartood:

1. Labadan dal, gaar ahaan Itoobiya, waxaa kala dhexeeya Soomaaliya colaad soo jireen ah. Itoobiya waxay ka mid tahay dalalkii guemeystayaasha ahaa ee Soomaaliya u qeybiyey shanta waaxood. Itoobiya iyo Kenya waxay heystaan dhul Soomaaliyeed. Maaddaama ay hore u maroorsadeed dhul Soomaaliyeed, ma jirto maanta wax damaanad qaadaya inaysan ujeeddooyin gurracan oo dal-ballaarsi ah ka lahayn Soomaaliya.

2. Itoobiya waxay gacan weyn ku laheyd dagaallada sokeeye muddo dheer. Waxay hubeysay qabqablayaasha dagaalka ee ay iyadu taageerto. Warbixin uu soo Golaha Ammaanku ee Qaramada Midoobay (S/2003/223) ayaa ka marqaati kacaysa in Itoobiya ay hub u dir jirtay Soomaaliya. Sidoo kale, Itoobiya waxay marar badan qabsatay gobollo iyo magaalooyin Soomaaliyeed. Ugu danbeyntii, Itoobiya waxay ahayd caqabadda ugu weyn ee is-hortaagtay in la sameeyo dowlad iyada ka madax-bannaan. Taas waxaa caddeynaya sidii ay u fashilisay heshiisyadii hore.

Waxaan ugu baaqaynaa bulshaa caalamka inay ka fekeraan sidii loogu diri lahaa Soomaaliya ciidan dhexdhexaad ah oo nabadda ilaaliya oo aysan ku jirin dalalka deriska ah. Waa in la tixgeliyo shuruudaha hoos ku qoran: a) Waa in Soomaalidu talo ku leeyihiin dalalka ka qeybqaadanaya; b) Waa in Qaramada Midoobay ay hoggaamiso; c) Waa in hawl-galka noocani uu kooban yahay, islamarkaasna la wada ogyahay soohdintiisa; d) Haddii hub-ka-dhigis la samaynayo waa in si siman dalka oo dhan hubka looga dhigo; e) Waa inaysan dowladaha safka hore ka mid noqon ciidamada; f) Waa in ciidamada tagaya Soomaaliya la baro qiyamka Islaamka, islamarkaasna laga baaro cudurrada fuda sida AIDS-ka; g) Waa in kooxaha Soomaalida oo dhami ay aqbalaan qorshaha lagu geynayo ciidamada; h) Waa inaysan ciidamadu ku kicin wax dhibaato u keeni kara hannaan dib-u-heshisiinta. Ururka ISAACU wuxuu ugu baaqayaa ururrada iyo shaqsiyaadka Soomaaliyeed ee ku sugan Waqooyiga America, Yurub iyo meelaha kalaba inay door weyn ka qaataan halganka ay ummadda Soomaaliyeed ugu jirto sugidda aayatiinkeeda. Waa inay isku dayaan in qaddiyadda Soomaalida caalamka la fahamsiiyo. Sidaa darteed, Ururka ISRAACU wuxuu ku boorinayaa in lala xiriiro siyaasiyiinta iyo bulshada nabadda jecel ee dal kasta oo ay Soomaalidu u haajirtay si looga badbaadiyo Itoobiya dhulka Soomaalida.

Ugu danbeyntii, waxaan ku baaqeynaa mar kale inaan ciidamo Itoobiya leedahay aysan Soomaaliya gelin. Haddii ay taasi dhacdo, waxaa suurtagal ah in dagaalkii sokeeye uu mar kale billowdo ama dagaal toos ah uu dhexmaro Itoobiya iyo kooxo Soomaaliyeed.

The Board of Directors, Zainab Hassan, chair For Information, please send your e-mails to [email protected]


Comments: 0 Comment(s)

Back
Set as your default homepage Add favorite Privacy Report Site Problem   � 2004 Pan-Somali Council For Peace and Democracy Contact Us Go To Top Of Page

loaded in 0.155s