Pan-Somali Council For Peace and Democracy
Go to Forums Go to Calendar Go to Articles Go to Downloads Go to Links Go to Photos Go to Classifieds
Forums Events Articles Downloads Links Photos Classifieds
 All Forums
 Israaca News
 Khariidad Cusub
 Printer Friendly Version  
Author  Topic   
amiir
Newbie


13 Posts
Posted -  12/11/2024  :  07:37:14 AM

Dhammaan Akhyaarta;

Waxa wax laga naxo ah in koox sheegeneysa in ay muidanayaashii Baarlamanka yihiin inay soo bandhigaan wax dhaawici kara aayaha ummada. http://www.hiiraan.com/news/2006/dec/wararka_maanta11-379.htm

Naceyb kasta oo aad u qabtid xubin, koox ama maamul waxaa ka weyn danta guud. Sidaas darteed waxaan ila quman in israaca uu arintaan wax ka yiraahdo. Waayo cunugga Itoobiyaanka ee 100 ama 200 oo sano kadib arkaa waxaa ku doodi karaa in ay tahay sax in ay sheegtaan Geeska oo dhan.

Amiir

[email protected]

Xildhibaanada Dowladda Federaalka ee ku sugan Magaalada Muqdisho oo soo bandhigay Qariidad dalka Soomaaliya lagula darayo Dalka Itoobiya


Axad, December 10, 2024(HOL): Xildhibaanadan oo shir jaraa’id ku qabtay Hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho ayaa waxay saxaafadda u soo bandhigeen Qariidad dalka Soomaaliya lagula darayo Dalka Itoobiya, iyagoo sheegay in Map-kan uu yahay mid cusub oo haatan qorshihiisa uu socdo.



Xildhibaan Cabdalla Xaaji Cali oo Warfidiyeenada la hadlay ayaa sheegay in ay arrintan wax ka ogtahay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay Qariidada ay soo bandhigeen ay ka heleen Xafiiska Ra’iisal Wasaare Geedi.



Cabdalla Xaaji Cali waxaa uu ka gaabsaday in uu faahfaahiyo ciddii soo gaarsiisay Qariidada, wuxuuna sheegay in ay haddii ay kashifaan ay taasi ka lumineyso xog kale oo ay ka sugayaan dadka soo gaarsiiyay Qariidadan, wuxuuna ballanqaaday in ay mar dhow saxaafadda u soo gudbin doonaan heshiisyo kale oo dhexmaray Xukuumadaha Soomaaliya iyo Itoobiya.




Sida ka muuqata Map-ka ay soo bandhigeen Xildhibaanada Muqdisho waxaa la isku furay Xuduudaha Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxayna u muuqdaan hal dal oo kale, dhinaca kale waxaa ka go’an Jabuuti oo iyadu dowlad ahaan loo sii daayay.



Cabdalla Xaaji Cali waxaa uu sheegay in uu Map-ka ay soo saareen uu nafsad ahaantiisa is-fasirayo, isla markaana uusan u baahneyn sharaxaad dheeri ah, wuxuuna dafiray in ay Qariidadan iyagu sameeyeen.



Xildhibaanka waxaa uu sheegay in ay soo baxday khatar ay weligood ka digi jireen oo ah in Itoobiya ay dooneyso in ay dalka Soomaaliya qabsato, sidaas darteedna wuxuu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u diyaargaroobaan difaaca dalkooda, isagoo carrabka ku dhuftay in Qaraarkii ka soo baxay UN-ka uu taageerayo qorshahaas ay Itoobiya wadato.



Qariidadan ay maanta soo bandhigeen Xildhibaanada Muqdisho ku sugan oo si weyn uga soo horjeeda mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka, gaar ahaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed ayaan dhab ahaan la xaqiijin karin in Qariidadan ay tahay mid laga helay Xafiiska Ra’iisal Wasaare Geedi, marka laga reebo sheegashooda.



Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xildhibaanada Muqdisho ku sugan oo tiradooda lagu sheegayo ku dhawaad 60 Mudane ayaa waxay isaga soo tageen Magaalada Baydhabo kadib markii sida ay hadalka u dhigeen ay Magaalada Baydhabo noqotay meel ay ka taliso Dowladda Itoobiya, waxayna kadib wada hadallo la bilaabeen Maxkamadaha Islaamka ee la wareegay gacan ku heynta Magaalada Muqdisho, walow hadalkaasi uu u muuqdo mid uu sii rajo beelinayo Go’aankii ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku baaqayay in ciidamo nabad ilaaliyayaal ah oo difaac u noqda dowladda Federaalka loo diro Soomaaliya, iyadoo go’aankaasina ay si weyn uga soo horjeesteen Maxkamadaha Islaamka.



Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia




Jump To:


Set as your default homepage Add favorite Privacy MaxWebPortal   � 2005 Israaca.Org All Rights Reserved. MaxWebPortal.info Snitz Forums Go To Top Of Page

loaded in 1.500s