Author |
Topic |
|
Abdullahi
|
Posted -
02/08/2024
:
5:46:38 PM
|
Ururka Israaca Ummadda Soomaaliyeed
Ururka Israaca Ummadda Soomaaliyeed oo ay xaruntiisu tahay Washington D. C wuxu soo dhaweynayaa heshiiska dhawaan lagu soo afjaray khilaafka muddaba dhex taagna xubnaha Baarlamaanka Dawladda Federaalka ee Ku Meel Gaarka ah oo dhawaan ay ku kala saxeexdeen madaxweynaha Dawladda ku Meel Gaarka iyo Afhayeenka Baarlamaanku magaalada Cadan ee dalka Yaman. Madaxwaynaha, Mudane Cabdullahi Yusuf, iyo Af Hayeenka Baarlamaanka, Mudane Shariif Xasan Sheekh Adan, waxay ku heshiiyeen qodobbadii dhexdhexaadinta ee Madaxwaynaha dalka Yaman waxayna heshiiska saxeexeen 5tii Janaayo 2006. Waxay labada mudane ku heshiiyeen inay soo afjaraan wixii khilaaf ah ee u dhexeeyay, inay ka shaqeeyaan sidii ay heshiis uga gaari lahaayeen meelaha ay ku kala duwan yihiin ee wali taagan, inay hirgaliyaan isafagaradka ummadda iyo in si degdeg ah loo abaabulo shirka Baarlamaanka ku Meel Gaarka ahi inu ku qabsoomo gudaha Soomaaliya.
Ururka Israacu wuxu ku baaqayaa inan la qaadan karin in rajada iyo himilada qarannimo, degganaashaha iyo nabad-ku-wada noolaashada dadka Soomaaliyeed iyo dariskooda ay noqdeen lama gaaraan muddo toban sano ka badan. Madaxa Soomaaliyeed, oo masu’uul ka ah guuldarradaasi, waxay wali ku hawlan yihiin isku jiidasho arrimo aan wax-ku-ool ahayn sida jagooyinka, fadhiga Dawladda Ku Meel Gaarka ah, iyo xaajooyin liita oo an dan u ahayn jiritaanka nololeed ee ummadda Soomaalida. Ururka Israacu wuxu ku baaqaya inay madaxda Soomaalidu si dhaqso leh u fahmaan in loollanka awoodeed een mabda’ lahayn oo uu ku lammaan yahay la’aanta heshiis waara oo saldhig adag lehi ay ummadda Soomaaliyeed gayaysiiyeen rajo dhig isla markaana ay keeneen xasilooni darrida guud ahaan Geeska Africa haysata. Waxa habboon inay madaxda Soomaalidu u guntadaan ka hortagga mashaqooyinka ummaddooda haysta. Waxan ugu baaqayna inay fuliyeen dhaartii ay mareen si an naf-jeclaysi lahayna ugu adeegan danta qaranka.
Madaxda Soomaalidu waa inay gartaan in ummadda Soomaaliyeed ay tahay midda kaliya ee adduunka aan dawalad lahayn qarnigan 21aadna aanay haysan adeegyada saldhiga u ah nolosha aadamaha. Ogaalka arrintaan oo kaliya, ayaan rajaynaynaa, in qofka kasta oo madax ah, garaadna leh ay dareensiiyo mashaqada dalka taalla iyo danta halista ku jirtaa waxa ay tahay. Waxan rajaynaynaa in garawsiga runtu u horseedo madaxda Soomaaliya inay ka gaabsadaan ku noqoshada siyaasadda burburka keenta ee 15kii sano ee u dambaysay gaarsiisay in siyaasada Soomaalidu noqota mid lagu maadaysto.
Waxan dadwaynaha Soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay muujiyaan dhabar adayg iyo isku soo dhawaasho inta ay maqan yihiin hay’ado dawaldeed oo wax tar ahi. Ururka Israacu wuxu ku rajo wayn yahay in ummadda Soomaaliyeed iyo adduunwaynuhuba kula xisaabtamaan madaxdan sida ay eray iyo addinba u fuliyaan Heshiisk Cadan. himilada madaxdani waa inay noqotaa midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo dimoquraadi ku maamuliddeeda.
Ururka Israacu wuxu ammaan u soo jeedinaya dawladda Maraykanka iyo Bulshooyinka Adduunka sida ay gacanta uga gaysteen soo celinta nabadda iyo ammaanka Soomaaliya iyagoo taageeray dhisidda dawlad Soomaaliyeed oo wax-tar ah. Ururka Israacu waxa kale oo uu ammaan u soo jeedinayaa Madaxwaynaha Dawladda Yaman, Cali Abdalla Saalax, oo hagarli’i ugu hawshooday sidii labada kooxood ee dawladda Soomaalida la isugu keeni lahaa, si hufan oo walaaltinimo lehna u soo saaray Heshiiska Cadan.
Guudiga Guud Ururka Israaca Ummadda Soomaaliyeed
[email protected] warcelinta iyo faallada u soo dir: www.israaca.org
|
|
|
loaded in 0.594s
|