Israaca, wuxuu kula talinayaa maamulka DKMG ah,1. In Soomaaliya laga xaarantimeeyo dhoofinta dhuxusha guud ahaanba, iyadoo waliba fiiro gaar ah loo sii yeelanayo meelaha ay ka dhoofto Koonfurta sida, Muqdisho, Marka, Baraawe iyo Kismaanyo.
2. In cadaadin badan oo joogto ah la saaro dadyowga ka faa�iidaystay dhoofinta dhuxusha iyo ganacsatada kale ee la macaamisha ee ku nool dibada iyo gudahaba.
3. In aad bilowdaan baraarujin lagu wacyi galinayo dadwaynaha si ay u fahmaan
dhibaatada-lagama-soo-kabtaanta ah ee ay dhuxul-ka-ganacsadayaashu u horseedayaan wadankeena iyo khatarta xasilooni daro ee ay sababtay.
4. In aad ku dadaashaan sidii taageero looga heli lahaa wadamada Carbeed ee aynu walaalaha iyo saaxiibka nahay iyo Iiraan si ay inooga kaalmeeyaan in la mamnuuco u dhoofinta dhuxusha ku socota wadamadooda.
5. In aad si dhakhso ah u meel marisaan hindise la taaban karo, kaas oo lagu qiimaynayo inta uu
khasaaruhu gaarsiisan yahay islamarkaasna dib loogu soo noolaynayo beelihii iyo meelihii mushkiladu ku habsatay.
6. In aad si toos ah ula shaqaysaan ururada bulsho ee reer-guriga-ah (deegaanka ku dhaqan), ururada dhirta iyo daaqa, iyo madax dhaqameedyada beelaha si loo aasaaso mashaariic deegaan-dhawriseed iyo kuwo dhaqan-celimeed oo lagu taakulaynayo dadkii iyo deegaankii waxyeeladu soo gaartay.
Israaca, wuxuu leeyahay khuburo badan oo aqoon fiican u leh cilmiga deegaanka. Waxaanu mabda� ahaan aaminsanahay diyaarna u nahay in aanu ka caawino bulshada ku dhaqan dhulka aanu ka soo hadalay ee reer-guriga ah in ay hirgeliyaan mashaariic lagu beekhaaminayo laguna dhawrayo deegaanka sii baaba�aya ee Jamhuuriyada Soomaliya. Waxaase nasiib daro ah in aan mashaariicdaas la dhaqan gelin karin iyadoo calooshood-u-shaqaystayaal ku gaashaaman baabuurta tiknikada ahi ka qawlaysanayaan dhulka miyiga ah, iyagoo gubaya/goynaya kaymoleeyda, islamarkaasna dil, dhac iyo boob ku haya dadkii deegaanka ku dhaqnaa