Somali

Israac Party aka National Solidarity Party:  Somali language

Xisbiga Israac  loona yaqaan Xisbiga Israac Qaranka.

Xisbiga Israac waxaa la aasaasay sanadkii 2016. Xisbiga wuxuu rabaa in uu dhiso Somaaliya midaysan, cadaalad bulshadda oo dhan u siman tahay taas oo lagu gaari karo wadatashi iyo hogaan wanaagsan.

Mabaadiidda ururka:

  1. Midnimo ( Solidarity)
  2. Cadaalad ( Social Justice)
  3. Wadatashi ( Consultation)

Xisbiga Israac waa Codka Shacabka Soomaliyeed. Waana dhaqdhaqaaq u tagan sidii loo dhisi lahaa Somaliya cadaalad iyo midnimo ku salaysan.

Xisbiga Israac waxaa ku biiri kara qof walba oo Somali ah oo da’diisu gaartay shan iyo toban sano( 15). Waa in uusan qofku xubin ka ahayn Xisbi siyaasadeed oo kale.

Qarashka xubin nimadu waa in uu bixiyo, lixdan doolarka Marayka ah ($60) sanadkii.

Qofka ururka xubinta ka ahi wuxii u tartami karaa hogaanka ururka iyo golayaasha siyaasadeed ee ururka.

 

TAAGEER ISRAAC, XUBIN KA NOQO

KA QAYB QAADO MIDAYNTA SOMAALIYA IYO CADAALALAD LOO DHAN YAHAY SI LOO GAARO.

MANIFEESTADA ISRAAC WAXAA KA MID AH:

  1. MAYA FEDERAL – WAA QAYBI OO XUKUN
  2. DHAMAAN IN CIIDANKA AJNABIGA AY KA  BAXAAN DHULKA IYO BADDA SOMAALIYA
  3. DHAMAAN IN COLAADDA SOMAALIDA DHEXDEEDDA AH LA JOOJIYO. WAX WALBA WADA HADAL LAGU DHAMEEYO
  4. DHAQAALE AHAAN IN SOOMAALIDU ISKU TASHATO KANA BAXDO TAAGEERADDA DHAQAALE EE DALALKA KALE.
  5. WAXAAN KA SOO HORJEEDNAA FARAGALINTA DIBADDA, QAASATAN WADAMADDA ETHIOPIA & KENYA.
  6. WAXAAN KA SOO HORJEEDNAA IN DEKADDAHA IYO GAROOMADDA SOOMALIYA GACANTA LOO GALIYO SHIRKADDO AJNABI AH.
  7. WAXAAN KA SOO HORJEEDNAA BOOBKA KHAYRAADKA SOOMALIAYA SIDA KALLUUMAYSIGA IYO MACDANTA.

 

XUBIN KA NAQO XISBIGA ISRAAC. KA QAYBQAADDO HALGANKA AAN KU MIDAYNAYNO SOOMAALIYA, HORUMARNA KU GAARSINAYNO DALKEENA.

XAGLO LAABAN XOOLO KUMA YIMAADAN!

KA QAYBQAADO HALGANKA

HADAL YAR IYO HOWL BADAN

 

XUBIN KA NOQO, TAAGEER  ISRAAC