Pan-Somali Council For Peace and Democracy
Go to Forums Go to Calendar Go to Articles Go to Downloads Go to Links Go to Photos Go to Classifieds
Forums Events Articles Downloads Links Photos Classifieds
 All Forums
 Israaca News
 Warsaxaafadeed: Xaaladda Muqdisho
 Printer Friendly Version  
Author  Topic   
Abdullahi
Tech Team


269 Posts
Posted -  06/13/2006  :  5:14:21 PM

Pan-Somali Council for Peace and Democracy (ISRAACA)
1201 Pennsylvania Ave, NW #300 PMP #49 Washington, DC 20004
Telephone: (202) 661-4653 Email: [email protected]
www.israaca.org

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Ka dib shan iyo toban shir oo dib u heshiineed oo lagu guul daraystay iyo lix iyo toban sanno oo fawdo lagu jiray oo ay u dambaysay dhawr bilood oo iska hor-imaad dhiig ku daatay oo boqolaal, badanku yihiin shacab aan waxba galabsani, ku naf waayeen uu Muqdisho ka taagnaa, waxaad moodaa dharaaro rajo huwani in ey u waabariisanayso Soomaaliya

Isbedel aan si dhab ah loo qeexi karin ayaa ka dhashay ayaamahan aad moodeysey iney ahaayeen kuwii loogu raja xumaa ilaa iyo bilowgii dagaalka gacal-xasuuqa ahaa ee bilowday sagaashanaadkii. Nabad ayaa, xilligan aynu ku jiro, dib loogu soo celiyey suuqyada iyo wadooyinka Muqdisho.

Runtii waxaa weli socda farxaddii iyo damaashaadyadii ey dadweynaha Soomaaliyeed ku soo dhoweynayeen jabkii ku dhacay dagaal-oogayaashii ugu naxariista darnaa, looguna necbaa, iyo soo dhoweynta guulihii ay Maxkamadaha Islaamku kaga eryeen Muqdisho qabqablayaasha dagaalka.

Inkasta oo ey Maxkamaduhu hadda haystaan taageero ballaaran oo dadweyne iyo kaalmada ganacsatada iyo bulshada rayadka ah, haddana waxaa jira dhaliilo iyo daldaloollo badan oo la xiriira xagga fulinta iyo qaabka ey u shaqeeyaan. Sida Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu ku sheegay wareysiyo badan Midowga Maxkamaduhu ma danaynaynayaan iney xukunka la wareegaan ama ay ku qasbaan dadka aragti diimeed oo u gaar ah. Sidoo kale, Maxkamaduhu waxay soo dhoweeyeen rabitaanka dowladda Mareykanka ee ah in wadahadal la furo, waxayna muujiyeen iney diyaar u yihiin iney la xaalaan dowladda Ku-Meel-Gaarka ah. Dhanka kale, shakiga laga qabo in xiriir argagixiso jiro waa mid aan gebi ahaan weli tirtimin.

Iyadoo taa madaxa lagu hayo, Ururka Israacu wuxuu ku boorrinayaa dowladda Maraykanka, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Ururka Afrika, Ururka Islaamka, Jaamacada Carabta iyo beesha caalamku iney garab istaagaan Maxkamadaha Islaamiga si wax loogu dul-dhiso isbedelkan taariikhiga ah iyo majwadaha siyaasadeed ee taagan, iyo inay raacaan talooyinka si ay u sii jirto neecawda nabada iyo rajada ah ee hadda if-baxday. Ururka Israacu wuxuu soo jeedinayaa:


I. In aan dalna garab istaagin dagaal oogayaasha si aanay u sii wadin falalkooda argagaxisnimada ah

II. In la garab istaago Maxkamadaha Islaamka si ay u ilaaliyaan nabada iyo kala
dambaynta

III. In la taageero oo awood loo yeelo Dawlada Federaaliga is ay u gudato
waajibaadkeeda dastuuriga ah

IV. In la dhowro oo la hirgeliyo go’aankii 733 ee cunaqabataynta hubka saaraayey Soomaaliya

V. Inay u diidaan ciidooda dagaal oogayaashu inay dugsadaan

VI. In la taageero samaynta Maxkamad Soomaaliyeed oo baarta denbiyada dagaalka

VII. In lagu kaalmayo dhisida hey’ado sameeya barnaamijyada dib dejinta iyo dhowrida nabada iyo xoogaynta dimoqraadiyada.

VIII. Ina la taageero ururada bulshada rayadka oo muujiyey waxqabadkooda.

X. In loo fidiyo tababar la xidhiidha maamulka iyo dowladnimo-wanaagga.


Intaas kadib, waxaan mahad ballaaran u celinaynaa Midowga Yurub oo dhaqaalihii ugu badnaa ku bixiyey shirka dib-u-heshiisiinta Soomaalida. Waxaa kale oo aan u mahad-naqaynaa dowladaha Djibouti iyo Kenya oo Soomaalida u muujiyay soo dhoweyn wanaagsan.


Ururka Israaca Ummadda Soomaaliyeed (Israaca) wuxuu ka mid yahay ururrada ku hawlan dib-u-soo celinta qarankii Soomaaliyeed ee burburay. Ururkani wuxuu ka kooban yahay qeybaha bulshada oo dhan, waxaana ka mid mid ah xubnihiisa aqoonyahanno iyo xirfadlayaal badan. Ururka Israaca oo la abuuray sanadkii 1998, waxaa ujeeddooyinkiisa waaweyn ka mid ah inuu raadiyo sidii uu ugu dhamayn lahaa khilaafka hab ku dhisan caddaalad, nabadgelyo iyo wadahadal. Wuxuu kaloo Ururkani doonayaa inuu hormariyo dhaqan ku salaysan nabadgelyo isagoo adeegsanay waddada wadahadalka iyo dib-u-heshiisiinta, islamarkaasna ilaalinaya midnimada iyo sharafta Soomaaliyeed. Himilada fog ee Ururka Israacu waa dhisidda bulsho deggen oo leh nidaam dowli ah oo wanaagsan, kuna wada hoos-nool qaab-dhismeed ka kooban bulsho kala duwan oo ku dhisan caddaalad iyo horumar.

Ugu danbeyntii, Ururka Israacu wuxuu diyaar u yahay inuu intii awooddiisa taageero cid kasta oo ku hawlan sidii nabad waarta loogu heli lahaa mushkiladda dabada dheeraatay ee Soomaalida.

Mahadsanidiin,
Said Salah, Executive Director




Jump To:


Set as your default homepage Add favorite Privacy MaxWebPortal   � 2005 Israaca.Org All Rights Reserved. MaxWebPortal.info Snitz Forums Go To Top Of Page

loaded in 0.359s