Pan-Somali Council For Peace and Democracy
Go to Forums Go to Calendar Go to Articles Go to Downloads Go to Links Go to Photos Go to Classifieds
Forums Events Articles Downloads Links Photos Classifieds
 Home >> Articles >> Opinion >> Politics >> Qaran Wiiqmay Qiil ma loo Heli Karaa?

Title: Email this ArticlePrintable Version Qaran Wiiqmay Qiil ma loo Heli Karaa?

Qaran Wiiqmay Qiil Ma loo Heli Karaa? Qore: Nuur Xirsi Bahal Toronto, Canada Shirkii Nayroobi ee labada sano loo kambadhuudhay iyo kuwii ka horreeyayba looma fadhiyin heshiis iyo in laga wada hadlo dhibaatooyinka dadka Soomaaliyeed kala dhex maray. Waxa loo fadhiyay sidii dawladda loo qaybsan lahaa. Waxayse ummadda Soomaaliyeed, dooxatada, iyo dawladaha dariskuba garan waayeen in aanay dawladii dhismi karin haddaan an marka hore la bogsiinin boogaha lana qufin wixii eed, caloolxumo, tabasho iyo turxaan ah ee dadka kala gaadhay. Eedaha bulshadu kala tabanayaan waxay ummadda gayaysiiyeen oo kobciyeen cimilo buunbuunisa kala shiki, is aamin la�aan iyo dareen cadawnimo. Kuwaas oo fursad wayn siiyay budhcadda oo reer kasta ku beer laxawsaday in la burburin doono haddii ay taageeri waayaan. Ilaa maanta waxa marag-ma-doon ah inay dadwaynaha Soomaaliyeed intooda badani wali ku jiraan �beerka jecliyaa, xaydha jantayaa� � iyagoo doonaya inay hirgasho dawlad waanagsan oo Soomaaliyeed laakiin haddaana hoos ahaan u boholyoobayaan in reerkoodu dawladdaas ka qaato xubnaha ugu sad roon, haddii la waayana waxay farta u jaawiyaan wiilkii qaska caanka ku ahaa ee waran-la-duul. Waa lama huraan ah inuu dadwaynaha Soomaaliyed garto inay arrintoodu ku dhex murugsan tahay dhawr lakab oo dano ah: Qaran, Qabiil iyo Qof. Ma suuroobi karto inad dhisto qaran sharaf leh adigoo ka ambaqaadaya dano ku salaysan qabiil ama kuwo qof ahaaneed. Danta qaranku waxay ku hanaqaaddaa oo saldhig u ah in la raaco mabaadi�i dadku u siman yahay oo an soo kala dhawaysanin. Qabiilkana waxa aasaas u ah inu dadku yahay laba nooc: mid kuu dhaw iyo mid kaa dheer. Qabiilku wuxu raadiyaa aragti dadku ka wada siman yahay oo u ****ami karta qofkasta oo qabiilka ka mid ah. Marka shir qabiil loo fadhiisto, haddii ay shirkaas ku jiraan qaar haysta shahaadadda ugu sarraysa waxbarashada qaarna aanay fursadba u helin inay buug iyo qalin is dul qabtaan, qaarna lagaba yaabo inay garasho ama caqli ahaan tukubayaan, wuxu had iyo jeer qabiilku raaca talada kooxda dambe maxaa yeelay iyada midayn karta qabiilkoo dhan oo lagu heli kara is oggolaashaha ugu yar (minimum consensus). Hees caan ah oo laga qaadi jiray idaacadihii Xamar iyo Hargeysa ayaa odhan jirtay: �Ummadyahay qabiilkiyo, qarannimadu waa laba an isqaadi karin oon waligood is qabanayn Waa qori dabliyo gaas oo haddii aan la kala qarin iyagaa is qarxinayee�. Miyaanay muuqanin in aan la heli karin Qaran tayo leh oo �haakah� lagu yidhaa oo reer hebel leeyahay. Marku qofku gaadho go�aanka ah inu rabo qaran ka kooban qolooyin waxa meesha ka baxaya soorsooran (compromise), dulqaad, iyo aragatida danta guud. Ilaa imikana shirkii Nayroobi wuxu ku salaysnaa Qaran ay qolooyin qaybsadaan. Haddii dhibaatada Soomaalidu ahayd qabiil, sidee baan haddana ugu hammiyi karnaa inuu qabiilkii laftiisu noqdo xalkii bogsiin lahaa cudurka uu isagu abuuray? Dawaladda ka Kooban Dooxato Shirkii Nayroobi waxa ka soo baxay dawlad ka kooban xubnaha budhcadda ee awalba isku haystay kuna loolamayay awoodda u talinta dalka. Taasi waxa kallifay dhawr sababood: 1. Budhcaddu waa kooxo hubaysan. Asalkoodii hore waxay ku hirgaleen beerlaxawsi qabiil. Sida aan anigu aaminsanahayse imika way ka gudbeen qabiil oo waxay u gudbeen danaysi qofeed oo ku salaysan hantiyaysi. Iyadoo asal ahaan qabiilku ahaa caymis uu qofku ku badbaado laakiin ay jireen xeerar kala haga oo marka loo baahdo nabad dhaliya, ayaa budhcadda lagu wareejiyay (amma ay xoog kula wareegeen) hormuudnimadii talada ee qabiilka. Waxa meeshaa ka baxay odaygii garanayay dhaqanka, xeerka iyo xaajoodka ee kartida u laha inu dhameeyo colaadda marka nabad loo baahan yahay. 2. Dhaqaalaha cidhiidhiga galayna wuxu dhiirrigaliyay inay budhcaddu noqoto isha nololi ka dhawdahay. Isku soo duub, budhcadda waxa gacanta u galay laba arrimood oo lagama maarmaan u ah tashiga dadka: waa hanti iyo hormuudnimo. Markay labadaa isla heleen ma suurtoobi karto inay ku hamiyaan dhismaha dawlad lala wadaago amma dhisme dawladeed oo dhanba. 3. Shirarka nabadaynta ee ilaa iyo haddaa soo dhacayay waxay badankoodu ka soo fulayeen dalal shisheeye oo dan gaar ah ka leh nabadaynta Soomaaliya. Dalalkaas qaarkoodbaa taageerayay kooxo gaar ah si ay hadhaw u helaan garab jilicsan oo dantoodu u fuliya. Wax iska yimid ma ahayn in shirka loo dhigo qaabka foosha xun ee dawlad-qaybsiga ah ee waxay ahady qorshe ku salaysan in nabadaynta Soomaaliya noqoto mashruuc joogto ah oo la maalo ilaa muddo. Dagaalo u eg kuwa Soomaaliya ayaa ka dhacay adduunyada sida: Ruwaanda, Burundi, Congo, Sri Laanka, Camboodiya iwm. Qaabkii nabadaynta ee kuwan loo waday iyo nabadaynta Soomaaliyase waa kaaf iyo kala dheeri. Waxa is kaashaday dagaal oogayaal ka hantiyaystay dhiigga iyo dhimashada taagyarta Soomaaliyeed iyo xoogag shisheeye oo u ciddiya ruugayay inay ummadda Soomaaliyeed oo daggan haad u helaan. Waxa Nayroobi lagu dhisay dawlad ka kooban kuwii dalka dumiyay. Ma waajibbaa in la taageero? Wax waliba meel bay ka bilawdaan, si loo helo dawlad negaata oo hirgasha waa in loo mara dhabbe adag iyo kacaa kuf. Dhabbahaas adag inta la marayana waa lagama maarmaan in dhacdooyinka inna soo mara an ku taamilo qaadanno. Ujeeddada taariikhda loo bartaa waa in la ogaado wixii soo dhacay iyo dhibti ama faa�iidadii ay keeneen si ay kuwa markaas jooga cashar ugu noqoto. Taageerada dadwaynaha Soomaliyeed kooxahan dooxatada ah u fidiyaa waxba ka beddeli mayso suuragelinta dhisma dawladeed haddii aanay kooxa loolamaya laftoodu diyaar u ahayn inay dawlad dhisaan. Ilaa imikana ma muuqato inay isku soo dhawaanayaan, balse dhawr arrimood oo toddobaadyadii u dambeeyay dhacay dartood anigu waxan qabaa inay si kala durkayaan. Waxayaabaha ay ku sii kala fogaanayaanna waxa ka mid ah dawladda ku-meel-gaadhka ah iyo tegidda magaalada Muqdisho. Xamar ma laga Guuri Karaa? Ma muuqato wax qorshe ah oo uu madaxwaynaha cusubi ugu tala galay sidii uu dawladdiisa u dejin lahaa magaalada Xamar. Maaddaam dagaal ogayaashu ay ka mid yihiin dawladda Cabdillaahi Yusuf waxan ahayd arrin caqliga gasha inay durbadiiba dawladdu timaaddo magaalada Muqdisho. Haba ahaatee sidaa uma fududa. Waxa wali aan is waafaqsanayn qaabka Cabdillaahi Yusuf loo dortay iyo is oggolaasha kooxaha hubaysan oo aan intooda badan runtii diyaar u ahayn inay soo dhaweeyaan dawladda Cabdillaahi Yusuf si kastaba ha lagu doortee. Waxa arrintaas sii murginaya Cabdillaahi Yuusuf oo dhawaanahan hadallada ka soo baxayaa ay yihiin kuwo muujinayaa inu wali qabo cadaawad raagtay iyo ciil xinjiraystay. Iyadoo ay sii murugtay isafgaranwaaga u dhexeeya kooxa hubaysan, waxa adag in dawlad 50 wasiir iyo ka badan leh la dejiyo meel an lahayn hoy qaadi kara. Haddiibase Xamar oo caasimaddii qaranka ahaydba ay reer amma reero sheegteen ima muuqato meel aanay taas oo kale ka dhici karin oo ay dawladdu degi karto. Madax waynaha cusub ayaad moodda inu dhinaca saarayo qaar ka mid ah kooxa isku haya Gobolkii hore ee Banaadir. Taasina waxay sii durkinaysa wixii waan waan ah ee laga qabay inay kooxahaasi is afgartaan oo laga Xamar iyo hareereheeda laga helo nabad waarta. Waxa madax waynaha la gudboon inu tuuro dhankii budhcadnimada oo gashado koofiyad madaxwaynenimo. Ogow oo meesha laga guurayaa Xamar oo kaliya maahaa ee waa Xamar iyo deggaan wayn (gobolkii hore ee Banadir) oo iyada la xidhiidha. Taasina waxay noqonaysa in ummadda deggaanka waraabaha loo xidhay. Miyaanay ka qummanayn in heshiis gaar ahaaneed oo nabadayn ah loo sameeyo deggaankaas isaga ah? Taasi waxay sahli lahayd in la helo xal hoosaad u gooni ah Xamar iyo degaankiisa, xalkaas oo kollayba ay lagama maarmaan tahay in la abaabulo. Taas baana ugu dhaw inay noqota mid sura gelisa sidaa xataa hubka loo dhigi laha. Heshiiska Xamar ee muddo dheerba sii xumaanaya waxan anigu u aanaynayaa iimaankii oo sicir barar ku dhacay iyo dhaqankii oo laga guuray. Iimaanka waxa hoos u dhiga aqoon darro iyo garasho la�aan iyo dhib kugu badata oo ugu dambaysta ad is tidha �oo maxaa aniga oo kaliya dhawrsiga i baday?� Dhaqan wanaagsanna waxa asal guuriya intii taqaannay oo laga tallaabsado, iimaankii oo yaraadaa iyo aafo guud oo ummadda lagu fidneeyo. Kuwaas oo dhan baa keenay in qofkii shalay faataxada ku samrayay u maanta yidhaahdo �hoosguntiga iiga dhex bax�. Soo celinta iimaanka iyo dhaqanka wanaagsaniba waxay u baahan yihiin in loo huro wakhti iyo dadaal aqooneed oo fara badan iyo samir. Waxay ka bilaaban doonaan meelaha ay sida gaarka ah aafada iyo is afgaranwaagu uga jiro oo mid walba si gooni ah loogu sameeyo shir hoosaad lagu soo celinayo xasiloonida. Haddii ay wax gaar ah ummadda ka tabanayaan amma ummaadda qaarkeed ka tabanayaanna waa in la tixgeliyaa tabashadaas. Ciidan Shisheeye Miyaa loo Baahan yahay? Sida adduunka caadada u ah, marka ciidan shisheeye la geynayo dal u ka aloogan yahay dagaal sokeeye, in ciidanka la geynayaa uu ka socdo waddamo dhexdhexaad ah oo an wax dan gaar ah ka lahayn meeshaas dhibtu ka taagan tahay inay nabadda sugaan mooyaane. Dalalka ciidamada laga keenayo iyo dalka la keenayo waa in aanay u dhaxaynin cadaawad gaar ah. Waana inay waddamada ciidanka keenaya aanay la kala safnayn kooxaha kala duwan ee dalkas dhibtu ka taagan tahay siyaasaddiisa isku haya. Ururka IGAD ee Geeska Africa ayaa ballan qaaday inu ciidamo dagaal-ogayaasha hubka ka dhiga u diri doono Soomaaliya. Waxan ognahay in ururkaas waddamada ka mid ahi aanay lahayn awood wayn oo ay ku hirgalin karaan ciidan nabadeed. Waxan ognahay in qaarkood, sida Itoobiya, iyo Soomaaliya ay u dhaxaysay colaad raagtay oo qarniyo maraysa. Waxan ognahay inay dalalka dariska ahi la kala jiraan budhcadda maamulka ku loolamaysa. Waxa si gaar ah farta loogu fiiqaa dawladda Itoobiya oo ahayd dalkii ciidanka u diray Cabdillaahi Yusuf markii laga riday xukunka Puntland. Waxa la yaab leh in Cabdillahi Yusuf maantana loo doortay madax waynaha dawladda-ku-meel-Gaadhka ah. Miyay cidna ka dedan tahay inay Itoobiya gacanta ugu wayn ka gaysanayso sidii Cabdillaahi hubka uga dhigi lahaa dagaal oogayaasha kale oo dhan? Dawladda sidaas ku dhalataase maxay noqon doontaa? Waxase is waydiin leh, Itoobiya ujeedooyinkii ay Soomaaliya ka lahayd ee dhisnaa dhul-balladhsiga maxaa iska beddelay?. Xukunka Tigreega iy kii Amxaaradse maxaa u dhexeeya? Dantii guud ee Itoobiya wax yarbaa iska beddelay. Maanta Itoobiya ma raadinayso dhul cusub oo ay gumaysato umana suroobi karto. Laakiin waxay raadinaysa inay noqoto dalka ugu awoodda wayn leh Geeska Africa. Si ay taasi ugu suuro gashana waa lagama maarmaan inay Soomaaliya dawladda ka dhismaysa ku yeelato gacan wayn oo ay ka dhigto dawlad iyada midiidin u ah, ayna ka heli karto danaha gaarka ee Itoobiya sida dekedo aan kiro laga qaadin. Dhaqan-maamulka dadka Itoobiya wuu ka duwan yahay kan Soomaalida. Soomaalidu waxay muujisay in dantooda guud ee qaranimo loo sadqayn karo dan qabiil amma mid qof amma kooxeed. Markaad sidaa u eegtana maamulka Tigreega ee Itoobiya wax badan kama duwana kii Amxaarada oo danta Itoobiya ee Soomaaliya ku food leh way ka simanyihiin. Dawladda Itoobiya kaba-qaadka u ah ee Soomaalia ka dhalata maxa dhib ah ee ay keeni karta? Dawlad kasta waa la beddeli karaa marka ay dadwaynuhu gartaan una bislaadaan inay wixii dhibaya meel uga soo wada jeestaan. Waxase aan la beddeli karin waa axidaga ama axdiyadda ay dawladdaasi ku saxiixdo magaca ummadda. Haddii ay dawladda Cabdillaahi Yusuf Itoobiya u saxiixdo inay dekedaha Soomaaliya adeegsan karto, cashuur la�aan muddo boqol (100) sano, waxa dalka iyo dadkaba ka maqan boqolaal bilyan oo dolaar oo laga heli lahaa cashuurtaas. Dhinaca kale haddii an ka eegno, mar haddii aanay kooxaha hubaysani ku talo jirin inay aasaan cadaawadda u dhaxaysa oo qaranimadii soo celiyaan, miyaanay Itoobiya xalaal u noqonayn inay si wayn u faragaliso? Itoobiya danteeda iyo danta dadwaynaha Geeska Africaba waxay ku jirtaa in la helo dawalad neg oo ka dhalata Soomaaliya. Waa suragal inay Itoobiya daacad ka tahay inay dhisto qaran Soomaaliyeed. Waxa kale oo muuqda inay ummadda Soomaaliyeed rayigeedu iska horimanayo. Kooxan hubaysani markay baxayeen ee ay saldhigga ka dhigteen Itoobiya, ummadda Soomaaliyeed in yar oo faro ku tiris ah ayaa diidanayd. Dadka badankiisu waxay u arkayeen kooxaha dawladdii Siyaad Barre ka soo horjeeday in aanay haysanin meel kale oo ay tagaan. Lama soo qaadi jirin mabda�a cadaawadda ee hadda lagu hadaaqayo. Miyaa la is odhan karin �timir lafbaa ku jirta�? Waxan in badan maqalay ciidamo Itoobiya ahi, hadday yimaaddaan, inay xasuuqi doonaan dadka Soomaalida. Waxan ognahay inay ilaa imika dhinteen boqolaal kun oo Soomaali ah oo ay dishay gacantii walaalkooda Soomaaliga ah. Qofka dhimanayana uma kala qabooba rasaasta Itoobiya iyo tan mooryaantu. Waxase muhiim ah, imaashada Itoobiya ma dhalin karta nabad darro raagta oo aayo xun ku reebta dalka iyo dadka Soomaalida marka loo eego xeerkii iyo heshiiskii dawladda cusubi ay ku gashay Nayroobi? Keenista ciidamada waxa muhiim ah inu ansixiyo baarlamaanka qaranka ee ku-meel-gaadhka ah. Waxadse moodda inu Madaxwaynuhu ka meeraysanayo inu arrintaas hor keeno golaha dadwaynaha oo loo codeeyo. Haddii taasi dhici waydana, madaxwaynuhu wuxu jabiyay xeerkii uu golaha dadwaynuh ku dhisnaa ee isaga lagu doortay. Haddii madaxwaynuhu arrintaas ku adkaysto waxa halis gelaysa rajadii laga qabay inay dawladdani noqoto unug waara oo lagu sugi karo mid dadka Soomaaliyeed raali ka yahay. Waxay dhalin doontaa in budhcaddu hesho fursad ay ku fashiliyaan dawladda Cabdilaahi Yusuf. Haddii xilligan imika ah burbur kale yimaddo waxan halis u noqon doonnaa dagaal kale oo dabadheeraada. Nabadda iyo colaaduba waxay ka go�aan waa dadka. Anigu, qof ahaan, waxan dhalliilayaa dadka Soomaaliyeed siiba kuwa dibadda jooga oo wali ku heellan siyaasad qolo. Haddaad jeceshahay reerka ad ka dhalatay inad daafacdo, waxad ku daafacdaa aadaminimo ee marna ha ku daaficin qolonimo. Maxaa u dhexeeya? Aadaminimadu waxay garawsata gartaada iyo gardarradaada. Markaad reerkaaga u sheegto waxay ku gar leeyihiin iyo waxay ku gardaran yihiin, waxa imanaysa in la furo albaabka wada hadalka iyo kala garqaadashada. Taasina waxay dhalinaysa in la is afgarto oo farta la saaro dan guud iyo wixii cid walba lama huraan u ah. Haadaad qabill ku daafacado ma arki kartid qabiilkaaga gafkiisa iyo meesha uu ku qaloocan yahay. Waxa intaa kuu dheer adiga oo laga qaaday qofnimadii. Qof waliba waa inu leeyahay madax bannaani qofnimo oo u gaar ah kuna kala saari karo xumaan iyo samaan. Haddii uu qofku gobanimada qof ahaaneed wareejiyo dadnimadiisu way dhantaalan tahay. Ummad dadkeeda uu qof waliba kala dhantaalan yahayna waxay magan u tahay burbur iyo boholyow. Waxase ugu daran dhib aad adigu waddo inad adigu noqoto haddana qofka ka ooyaya.

Hits:  777
Rating: Rating:0  Votes:0 (Rating Scale: 1 = worst, 10 = best)
Added on:  03/14/2005
Author/Source:  Nuur Xirsi Bahal
Author's email/website:  n/a
Posted by:  N. Bahal
Comments:  0 Comment(s)

Back
Set as your default homepage Add favorite Privacy MaxWebPortal   � 2005 Israaca.Org All Rights Reserved. MaxWebPortal.info Snitz Forums Go To Top Of Page

loaded in 0.766s