|
Title: |
 Dhibaatada xalufinta deegaanka iyo ku-tumashada xaquuqda Insaanka |
Ku: Mudane, Cabdiqasim Salad Xassan Madaxwaynaha Dawlada Kumeel-gaarka ah ee Jamhuuriyada Somaliya
Ku: Mudane, Dr. Cali Khalif Galaydh Raisalwasaaraha Dawlada Kumeel-gaarka ah ee
Jamhuuriyada Somaliya
Ku: Mudane, Cabdalla Deerow Isaaq Gudoomiyha Baarlamaanka Kumeel-gaarka ah ee
Jamhuuriyada Somaliya
Ku: Mudane, Dr. Cali Cabdiraxmaan Xirsi Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta reer-miyiga ee DKMG ah
Cc: Ururka Xaquuqa Insaanka u dooda ee Imaaciil Jimcaale Cosoble.
Cc: Ururka Greenpeace (ururka u dooda xaquuqda deegaanka)
Ujeedo: Dhibaatada Xaalufinta Deegaanka iyo Ku-tumashada Xaquuqda Insaanka ee la Xiriirta.
Taariikh, Septeembar 5dii, 2001
Pan-Somali Council for Peace and Democracy (ISRAACA) wuxuu cambaarayn iyo canaan kulul u soo jeedinayaa Dawlada ku meel gaarka ah kadib markii ay ka aamustay gacmahana ka laabatay ka ganacsiga dhuxusha dibada loo dhoofiyo iyo xaalufinta deegaanka ee ka socota nawaaxiga ama jiida Baraawe, halkaas oo ay holcinayaan dad ganacsato-iimaanlaawe-yaal ah oo soomaliyeed.
Isaraaca, waa urur Samo-u-dood-ah oo loo aasaasay si uu hore ugu mariyo cadaalada, xaquuqda haweenka, sinaanta bulshada, midnimada qaranka, xuquuqda aadanaha, baabinta qabiilaysiga, iyo nabad ku wada noolaanshaha bulsho waynta Soomaliyeed. Israaca, wuxuu soo dhaweeyay DKMG ah markii ay dhalatay. Inkastoo xubno door ah oo naga mid ahi ka biyo-diideen qaabkii loo abaabulay ama loo maamulay shirkii Cara ee dawlada ku meelgaarka ahi ku dhalatay, hadana waxaanu DKMG ah ugu yaboohnay taageero-shardi-wadata ( in aanu taageerno marka ay xilkeeda si horumar iyo cadaalad leh u gudato). Waxaanu la wadaagnay malaayiin kale oo Soomali ah rajo iyo yididiilo ku saabsan in wadankeenu si degdeg ah ugu laaban doono doorkii iyo kaalintii firfircoonayad ee uu ku lahaa beesha caalamka.
Anagoo xeerinayna himiladii wanaagsanayd ee aanu qabnay, waxaanu DKMG ah ugu sheegnay warqadayadii furanayd ee ugu horaysay in aanu diyaar u nahay in aanu maamulkiina ka caawino wax kasta oo karaankayaga ah oo la xiriira dadaal loo galo horumarinta nabad waarta iyo in dardar la geliyo sidii loo heli lahaa deganaansho iyo dib u heshiisiin dhab ah oo dhamaystiran taas oo wada saamayn karta bulshada Soomaliyeed oo dhan.
Hadaba, Anagoo ka shidaal qaadanayna arinta sare ku cad, Israaca wuxuu aad uga tiiraanyooday kadib markii DKMG ahi ku guul daraysatay inay wax ka qabato ama ka hadasho dhibaatada xaalufinta deegaanka iyo ku-xad-gudubka joogtada ah ee lagu hayo qaybo ka mid ah bulshada ku dhaqan Koonfurta Soomaliya. Arintan murugada leh waxaa majaraha u haya ganacsato-dhiig-miirato-ah oo nabaad-guurinta deegaanka ka sokow jujuub iyo caga-juglayn baan ku haysa Dadka-Reer-Guriga-ah ee ku dhaqan Koonfurta wadanka. Waxa kale oo wer-wer nagu haya, eedaymaha isa soo taraya ee sheegaya in xirriir-siyaasadeed ka dhexeeyo DKMG ah iyo ganacsatada ka macaashta dhuxusha. Hadaba haddii ay run noqoto eedayntani waxay shaki-weyn galin doontaa sheegashada ay Dawlada ku meel gaarka ahi ku doodayso ee ah in ay tahay dawlad-qarameed xalaal ah, waxayna dhaawac u geysan doontaa kalsoonida lagu qabi karo hadiiba ay lug ku yeelato arintan cawaaqibka xun leh. Waxaynu ogsoonahay in masiiibooyinka ku dhaca deegaanka, iyo halista soo food saarta nafleyda ku dhaqan in ay si toos ah isugu xiran yihiin.
Hadaba, xaalufinta deegaanka gobolada koonfureed gaar ahaana Sh/hoose iyo Dooxada Juba waxay sababtay dagaalo goos-goos ah sida ay warbaahinta caalamku soo tebinayaan. Iska hor-imaadyadan waxaa sababay markii dadka-deegaanka ah oo noloshoodu si toos ah ugu xiran tahay dhul-daaqeedka iyo xoolaha nool ay khatar wayni soo food saartay nolol maalmoodkooda. Dadka deegaanku waxay abaabuleen kacdoono looga soo hor-jeedo
nabaad-guurka iyo xaalufinta deegaanka. Dhibaatadani waxay keentay in ay qaxeen oo ay dhulkaas ka carareen masaakiintii xoolo dhaqatada ahayd oo tuulooyinkoodii iyo dhul-daaqeedkooddiiba isu badaleen goobo lagu dagaalamo. Magaalooyinka iyo tuulooyinka ay dhibta ugu wayni soo gaartay waxaa ka mid ah Garas-weyn, Heejmaxaad, iyo Kuunyo-Barrow oo kuligood ku yaala nawaaxiga Baraawe.
Israaca, wuxuu walaac qoto-dheer ka muujinayaa in DKMG ahi aanay xataa ka hadlin dambigan baan ee maalin walba ka dhacaya duleedka xaruntooda. Inta aanu ka war qabno illaa maantadan aynu joogno, madaxwaynuhu marna uma soo jeedin ganacsatada-dhuxusha iyo bulsho weynta midkoodna baaq- madaxweyne oo ka digaya burburinta deegaanka. Sidoo kale, xataa lagama war qabo inuu madaxwaynuhu kala xaajooday Suldaanka UAE oo ay dhawaan kulmeen, si wadankiisu u joojiyo dhuxusha uu ka soo dhoofsado Soomaliya. Waxaa iyaduna dhib weyn ah in Raisalwasaaraha, Gudoomiyaha Barlamaanka, iyo Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta reer-miyiga intooduba ka aamusan yihiin dhibaatada laxaadkaas leh ee ka aloosan koonfurta Somaliya. Waxaa niyad jab iyo qabli-xumaan iyaduna leh in ay warbaahinta fadhigeedu yahay Muqdisho, ururada-samo-u-doodka ah, iyo kuwa arimaha bulshaduba ay dhagaha ka furaysteen masiibadan iyadoo ay kaymaha tirada yar ee wadanka baaqiga u ah ay holcinayaan Iimaan-laawayaal-wax-ma-garato-ah kuwaas oo dadkii deegaamadaas ku dhaqnaa cagta marinaya.
Arintan murugada lihi waxay soo shaac baxday oo kali ah kadib markii dad reer-guuraa ah oo ku hubaysan hub-dhaqameed-liita ay ka dhiidhiyeen xaalufinta ay wadaan dhuxul-ganacsade-yaalka aadka u hubaysan.Israaca, wuxuu murugo iyo dayro ka muujinayaa sii-fidista coolaada lagu hayo dadka rayidka ah, duugista miinooyinka, iyo guud ahaanba nabad-gelyo-laaanta iyo xasilooni-darrida ku soo kordhaysa gobolada koonfureed.
Israaca, wuxuu ku eedaynayaa DKMG ah in ay ka soo bixi wayday kaalintii kaga aadanayd ka hortagida deegaan xaalufinta iyo ku xad-gudubka xuquuqda aadanaha ee wehelisa. Waxaanu ka dalbanaynaa Dawlada-ku-meel-gaarka ah in ay siyaasadeeda gudaha ka dhigto mid cad oo cid kastaaba arki karto isla-markaasna aan leex leex lahayn. Waxaanu idinka codsanaynaa in si dhakhso ah wax looga qabto arimaha aanu kor ku soo xusnay dhamaantood.
<NEWPAGE>
Israaca, wuxuu kula talinayaa maamulka DKMG ah,
1. In Soomaaliya laga xaarantimeeyo dhoofinta dhuxusha guud ahaanba, iyadoo waliba fiiro gaar ah loo sii yeelanayo meelaha ay ka dhoofto Koonfurta sida, Muqdisho, Marka, Baraawe iyo Kismaanyo.
2. In cadaadin badan oo joogto ah la saaro dadyowga ka faa�iidaystay dhoofinta dhuxusha iyo ganacsatada kale ee la macaamisha ee ku nool dibada iyo gudahaba.
3. In aad bilowdaan baraarujin lagu wacyi galinayo dadwaynaha si ay u fahmaan
dhibaatada-lagama-soo-kabtaanta ah ee ay dhuxul-ka-ganacsadayaashu u horseedayaan wadankeena iyo khatarta xasilooni daro ee ay sababtay.
4. In aad ku dadaashaan sidii taageero looga heli lahaa wadamada Carbeed ee aynu walaalaha iyo saaxiibka nahay iyo Iiraan si ay inooga kaalmeeyaan in la mamnuuco u dhoofinta dhuxusha ku socota wadamadooda.
5. In aad si dhakhso ah u meel marisaan hindise la taaban karo, kaas oo lagu qiimaynayo inta uu
khasaaruhu gaarsiisan yahay islamarkaasna dib loogu soo noolaynayo beelihii iyo meelihii mushkiladu ku habsatay.
6. In aad si toos ah ula shaqaysaan ururada bulsho ee reer-guriga-ah (deegaanka ku dhaqan), ururada dhirta iyo daaqa, iyo madax dhaqameedyada beelaha si loo aasaaso mashaariic deegaan-dhawriseed iyo kuwo dhaqan-celimeed oo lagu taakulaynayo dadkii iyo deegaankii waxyeeladu soo gaartay.
Israaca, wuxuu leeyahay khuburo badan oo aqoon fiican u leh cilmiga deegaanka. Waxaanu mabda� ahaan aaminsanahay diyaarna u nahay in aanu ka caawino bulshada ku dhaqan dhulka aanu ka soo hadalay ee reer-guriga ah in ay hirgeliyaan mashaariic lagu beekhaaminayo laguna dhawrayo deegaanka sii baaba�aya ee Jamhuuriyada Soomaliya. Waxaase nasiib daro ah in aan mashaariicdaas la dhaqan gelin karin iyadoo calooshood-u-shaqaystayaal ku gaashaaman baabuurta tiknikada ahi ka qawlaysanayaan dhulka miyiga ah, iyagoo gubaya/goynaya kaymoleeyda, islamarkaasna dil, dhac iyo boob ku haya dadkii deegaanka ku dhaqnaa
|
|
Hits: |
357 |
Rating: |
Rating:0 Votes:0 (Rating Scale: 1 = worst, 10 = best)
|
Added on: |
03/21/2004 |
Author/Source: |
Pan-Somali Council for Peace and Democracy |
Author's email/website: |
www.israac.org |
Posted by: |
admin |
Comments: |
0 Comment(s) |
Back
|
|